1098 Views

Askari loo xukumay dilkii Boosaaso loogu geystay Paul Anthony Farmosa

Askari loo xukumay dilkii Boosaaso loogu geystay Paul Anthony Farmosa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 29 2019 —Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kaas oo lagu Eedeeyay in uu fududeeyay dilkii Magalada Boosaaso loogu geystay Maareeyihii Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

 

Goobta Maxkamadeynta oo ay ku sugnaayeen saraakiisha ugu sareyesa Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo Ehelada Askariga ayaa Maxkamada waxaa ay Askariga oo lagu Magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi  ku riday xukun dil toogasho ah.

 

Askariga xukunka lagu riday oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilkii Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in askariga la xukumay uu heysto fursad bila ah oo uu racfaan ku qaadan karo,waxaana xukunka Maanta uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay Puntland sheegtay inay ku dhawaaqi doonto Natiijada baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment