843 Views

Taliska Guud ee Booliiska Galmudug oo ugu baaqay madaxda Ahlusunna in ay Joojiyaan abaabulka Ciidan..

Taliska Guud ee Booliiska Galmudug oo  ugu baaqay madaxda Ahlusunna in ay Joojiyaan abaabulka Ciidan..
____________________________________________________________________________


Isniin: September 27, 2021

Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir inay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Degaanka Huurshe.

War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska ayaa sidoo kale faray saraakiisha Ciidamada ee Huurshe ku sugan inay xeryahooda dib ugu laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo  qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay ineysan gacan siinin abaabulka dagaal ee Ahlu sunna

Sidoo kale Taliska Booliiska Galmudug ayaa Dhinaca kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure inay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post