1833 Views

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo shir guddoomiyay kulankiisii ugu horeeyay

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo shir guddoomiyay kulankiisii ugu horeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2018 – Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir guddoomiyay Kulankiisii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay dhamaadka bishii hore.

 Maxamed Mursal oo ay dhinac fadhiyaan ku xigeenadiisa ayaa kulanka maanta xaadir ahaa, waxaana kulanka loo hadlayay arimo dhowr ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marka laga yimaado ajandahooda caadiga ahaa kadib waxay ka hadleen dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ku heysata deegaanada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay gurmad dhaqaale oo ay ugu talo galeen dadka dhibaateysan.

Inka badan 130,000 doolar ayay shaaciyeen inay ugu deeqeen dadka guud ahaa fatahaada ay saameeyeen, waxaana la doonayaa in dadka dhibaateysan la gaarsiiyo.

Maalintii shalay ayay aheyd xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in 50,000 doolar u qorsheeyeen dadka fatahaadaha ay saameeyeen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment