1056 Views

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada ee toddobaadkan?

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada ee toddobaadkan?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14,, 2019  –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.

 

Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maal-gashi iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment