774 Views

Wasiirka arrimaha dibedda oo aragti cusub ka muujiyay dagaalka Tigray, kana hadlay inay ciidamo geeyeen

Wasiirka arrimaha dibedda oo aragti cusub ka muujiyay dagaalka Tigray, kana hadlay inay ciidamo geeyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 2, 2020 – Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa markii u horeysay aragti dabacsan kaga fal celiyay xaalada dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya, xili uu Farmaajo taageero buuxda la garab istaagay howl-galka millateri ee toddobaadyadii u dambeeyay ka socday dalka Itoobiya.

Wasiirka, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay inaysan marnaba xukuumadda Soomaaliya aysan u sacabo tumeyn dagaalo saameyn ku yaalanaya gobolka, isla markaana ay markasta ka qeyb ka qaadanayso xasiloonada mandaqada.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalku ay faro-gelin ku sameynayn xaaladaha ka taagan gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, sida uu hadalka u dhigay.

“Aragtida ay dowladda federaalka ka qabi karto wax ka socda dal kale gudihiisa ma jiraan, oo aan ka aheyn in aan wal-wal ka qabno dal deris nala ah oo xaalado dagaal ay ka jiraan, ma jeclin in khilaaf siyaasadeed uu ku yimaado Itoobiya, sida aan anagaba u jecleyn,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa keliya muujiyay wal-walka xukuumadiisa ee ku aadan in dagaalka Itoobiya uu sameeyo gobolka, isagoona ka gaabsaday inuu taageero u muujiyo dhinacyada ku dagaalamaya dagaalkaasi ee dowladda dhexe iyo maamulka TPLF.

Sidoo kale waxa uu wasiirku beeniyay inay jiraan ciidamo Soomaali ah oo ka qeyb qaatay dagaalkaasi, taasi oo uu ku tilmaamay “mid aan aheyn caqli-gal”.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa hore garab istaag ugu muujiyey howl-galka millateri ee dowladda federaalka Itoobiya ay ka wado gobolka Tigray, kaasi oo ay dhawaan xukuumada Abiy ay sheegtay inuu soo gaba-gaboobay.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post