2100 Views

Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha Horyaalla”

Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha Horyaalla”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 13, 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda.

“Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda”

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika.

hurmarka-dalka-1 hurmarka-dalka-2 hurmarka-dalka-3 hurmarka-dalka-4 hurmarka-dalka-5 hurmarka-dalka-6 hurmarka-dalka-7 hurmarka-dalka-8 hurmarka-dalka-9 hurmarka-dalka-10 hurmarka-dalka-11

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment