261 Views

Netherlands oo baareysa saldhigyo la sheegay in Shiinuhu ka sameystay dalkaas

Netherlands oo baareysa saldhigyo la sheegay in Shiinuhu ka sameystay dalkaas
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Netherlands ayaa maanta sheegtay inay baareyso warbixino sheegaya in China ay laba saldhig oo boolis oo sharci-darro ah ka sameysatay dalkaas, kuwaas oo ay u adeegsato inay ku dhibaateyso mucaaradka.

Warbaahinta Netherlands ayaa ku warramay in xarumahan oo ku yaalla Amsterdam iyo Rotterdam lagu sheegay kuwa yabooha caawimaad diblomaasiyadeed, balse aan lagu wargelin dowladda Netherlands.

“Saldhigyada booliis” waxaa loo adeegsadaa in lagu aamusiyo mucaaradka siyaasadeed ee Shiinaha, waxaa sidaas weriyey warbaahinta RTL iyo website-ka sirta baara ee Follow the Money, kuwaas oo soo xigtay mucaarad Shiinees ah oo ku nool Netherlands.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda China ayaa sheegtay in warbixinadaas “ay gebi ahaan yihiin been” waxayna intaas ku dartay in “goobaha adeegga” looga dan leeyahay in muwaadiniinta dibedda ku nool looga caawiyo arrimo ay ka mid yihiin inay cusbooneysiiyaan shatiga wadista baabuurka.

Netherlands waxay sheegtay inay “Si dhab ah” u qaadaneyso sheegashooyinkan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay iminka baareysaa dhaq-dhaqaaqyada waxa loogu yeeray xarumahan boolis. Marka aan helno wax cad oo ku saabsan arrintan, tallaabada ku haboon ayaa la qaadi doonaa,” waxaa sidaas AFP u sheegtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Netherlands Maxime Hovenkamp.

“Waa dhab inaan na lagu wargelin xarumahan ayada oo la mariyo marinada diblomaasi.”

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post