588 Views

Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada Somaliya

Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada Somaliya
____________________________________________________________________________

Axad: June 19, 2022

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo gaar ah la qaadanaya Xildhibaannada, ka hor inta aan la hor-geyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, si loogu qaado codka Kalsoonida.

Xamse ayaa maanta kulan la yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka ee laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle, isaga oo ka codsaday in ay siiyaan codkooda maalinta Kalsoonida loo qaadayo.

Ilo ku dhow kulanka Xamse iyo Xildhibaanada ayaa sheegaya in ay ka ballan qaadeen si buuxda codkooda, isla markaasna ay wadajir ula shaqeyn nayaan Xukumadda uu soo dhisi doono.

Sida qorshaha yahay maalinta Arbacada ayaa la filayaa in Golaha Shacabka ay yeeshaan fadhi kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha Magacaaban Xamse Cabdi Barre.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post