4014 Views

Mas’uuliyiin Dowladda ka socda oo gaaray Jowhar

____________________________________________________________________________

buundada-jowhar-620x264

Muqdisho, 22 December 2015: Wafdi ka socda Dowlada ee uu hoggaaminayo wasiirka Kalluumeesiga iyo Kheyraadka badda ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga waxa ay isugu jiraan Wasiirro, Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Filand, Agaasimah guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in u jeedkooda uu yahay in deeq dawo ah oo ka timid Dowladda Filand  lagu wareejiyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Dadka Dagan Magaalada Jowhar   Aadbey inoo soo dhaweeyeen maamul iyo Shacab inooma kala harin waana ku ammaanayaa, waxaan qalabkaan aan waddno  ee Cafimaadka ku wareejinaynaa Maamulka Gobolka” Ayuu yiri Wasiirka Ceymooy.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment