963 Views

RW Kheyre oo ka hadlay la wareegitaankii Ciidanka ee Janaale

RW Kheyre oo ka hadlay la wareegitaankii Ciidanka ee Janaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka aha ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay qabsashadii deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa ee Al-Shabaab.

 

“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Shabaab looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

 

 

 

Sidoo kale Kheyre waxaa uu sheegay in Guusha CXD ay ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada, taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

 

“Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga saaro dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

 

Howlgalkan oo ka duwan Howl-galladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada lala wareegay, taas oo looga gol-leeyahay inaan Al-Shabaab kusoo laaban deegaannada lala wareegay.

 

“Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa; Ciidanka Xoogga oo wiiqaya Awooda Shabaab,Booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hay’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aasaasiga ah gaarsiinaya”, ayuu sheegay sidoo kale yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment