846 Views

Ciidamo howlgal ka bilaabay Magaalada Gaalkayco

Ciidamo howlgal ka bilaabay Magaalada Gaalkayco
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-24-2020-Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ayaa Magaalada gaalkacyo qeybta Galmudug ka bilaabay howlgallo lagu sugayo Ammaanka, kaas oo laga sameynayo wadooyinka dhex-mara Magaalada.

Howlgalka ayaa ah mid ka dhan ah gadiidka leh muyaaradaha madoow ee beensalka loo yaqaano,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud loogana warqabo cidda saaran gaadiidkasta oo soo gala magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxaa ay muraayadaha madow ka fiiqeen Gaadiid dhowr ah oo dhex-marayay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Howlgalkan ay Ciidamada Booliska Galmudug ka bilaabeen Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu daba socdaa amar dhawaan kasoo baxay Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug, kaas oo ahaa in la mamnuucay gaadiidka muraadayaha Madow ee beensalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post