555 Views

Diblumaasi Mareykan ah oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ee Xabsi guriga ku jira

Diblumaasi Mareykan ah oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ee Xabsi guriga ku jira
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo booqasho saddex maalmood ah ku joogtaa dalka Sudan ayaa la kulantay ra’iisul Wasaare Cabdalla Hamdok, oo xabsi guri ku jiray tan iyo afgambigii bishii hore ka dhacay dalkaas.

Molly Phee ayaa faahfaahin yar ka bixisay waxa ay ka wadahadleen iyada oo bartooda twitter-ku sheegtay inay qoraal sidaan u dhignaa waxaan ka wadahadalnay “sidii loo sii wadi lahaa soo celinta kala-guurka dimoqraadiyadeed ee Suudaan”.

Muddaba dalka Suudaan waxaa ka taagan khalalaase siyaasadeed oo keenay in dadku ay sameeyaan dibadbaxyo rabshada wato oo intooda badan ka dhacay caasimadda Khartuum.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post