609 Views

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya  qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqaal hadal heyn badan dhaliyay oo u muuqda in laga soo duubay qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK, kaddib markii ay ka duushay markabka diyaaradaha xambaara ee HMS Queen Elizabeth.

Waxaa muuqaalka laga arki karaa duuliye ka booday diyaaradda oo qiimaheedu yahay £100 milyan oo gini, xilli ay kusii dhaceysay badda.

Mar sii horreysay oo bishan gudaheeda ah ayay burburtay diyaarad F-35 ah oo ay leedahay UK kaddib markii ay ka duushay markabka oo howlgallo duullimaadyo ah ka fulinayay badda Mediterranean-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in aan weli la gaarin xilligii ay ka hadli lahayd dhacdadaas, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in diyaaraddaas lagu soo helo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post