864 Views

Xiritaankii dowladda Kenya ay u qabatay Qaramada Midoobeey in ay ku soo gudbiso qorshaha xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma

Xiritaankii dowladda Kenya ay u qabatay Qaramada Midoobeey in ay ku soo gudbiso qorshaha xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma
____________________________________________________________________________

Apil 7/4/2021

 Waxaa maanta ku eg xilligii dowladda Kenya ay u qabatay Qaramada Midoobeey in ay ku soo gudbiso qorshaha xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah .

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xeryahaasi ay dhibaato ku yihiin dhanka amniga.

Hay’adda Amnesty International qeybteeda Kenya ayaa ka digtay in si sharciga caalamiga ah khilaafsan loo xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Xukuumadda Nairobi ayaa shaacisay qorshe ay ku doonaysa in todobaadkan gudihiisa ay ku xirto xeryahaas iyadoo sheegtay in amni darro ay ka soo wajahday dalkeeda.

Amnesty ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah ay masiibo bani’aadannimo u horseedi karto caalamkan la daalaa dhacay xanuunka Covid-19.

Waxay sheegtay in ay rajeyneyso in Kenya ay aqbasho baaqa ay ugu jeedisay dib uga noqoshada go’aanka xiritaanka xeryaha.

Cabdullahi Xasan (Cabdullahi Soomaali) oo ah mas’uulka Amnesty u qaabilsan Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in Ha’yadda si weyn uga soo horjeeddo qorshaha ay Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post