831 Views

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, Fiqi oo soo dhaweeyay tallaabadii uu saakay qaada Taliye Saaddaq Joon.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, Fiqi oo  soo dhaweeyay  tallaabadii uu saakay  qaada Taliye Saaddaq Joon.
____________________________________________________________________________

April 12, 2021 

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabadii uu saaka qaada Taliye Saaddaq Joon, taas oo uu kaga horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey.” Ayuu yiri wasiir Fiqi.

“Todobaadkii hore waxay ciidamada Boolisku jidadka ku celinayeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diidayay in barlamaanka ay tagaan, maantana qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba ayadoo tan danbe ay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.” Ayuu sii raaciyay.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa ku soo beegmay, saacado kooban kadib markii Taliye Saaddaq Joon uu sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka, kana horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladdd inkastoo markiiba xilka laga qaaday.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post