7950 Views

Shirka London ma Shirqoolbaa, mise waa Qowda Maqashii?

____________________________________________________________________________

April 29, 2017

Shirka London ma Shirqoolbaa, mise waa Qowda Maqashii, Waxna how qaban?

Sida lawada ogyahay,  waxaa  dhawaan lagu qaban doonaa  magalada London  Shir lagu falanqeynayo Arimaha Somaliya, Shirkan oo ay ka soo qayb geli donaan  Dowlada sare, mamul Goboledyada iyo Beesha Caalamka ayaa lafilayaa in looga hadlo Xaalada Guud ee Somaliya, Gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Hadaba waxaa is waydiin Mudan, Shirkani maxaa loogu qaban wayey Somalia?, waayo waxaa lagu qaban karay Xarunta Xalane, ama Magaalooyin kale oo kuyaal dalka Gudahiisa, hadii la rabo in si dhab ah wax looga qabto Arimaha Somaaliya, maadaama  qarashka ku baxa shirkaan uu noqondoon mid lagu daro Xisaabta deeqaha la siiyey Somaaliya Sanadkan 2017-ka.

Si kastaba waxaad arkeysaa Dowlada sare in aysan ku lahayn wax Tixgelin ah Qabashada Shirkan iyo Arimaha looga hadlayo, si Xal loogu helo dhibaatooyinka ka jiara Somaaliya, waxana xaqiiq ah inta badan in aan laga gaarin wax GUUL ah shirarka noocan ah ee lagu qabto wadamada dibada, waayo ma aha shir ay u madax banaantahay umada Somaaliyeed.

War iyo dhamaan, Somaalidu waxay tiraahdaa “meel  ama ka Muuqo ama ka Maqnow”  dowlada sare waxaan u sheegayaa in aysan Marti kanoqon meel ay Maamulkeeda leedahay, waayo waxaa aad looga walaac sanyahay in shirkani aysan dowladu ku lahayn Awood ay ku muujiso mowqifkeeda dowladnimo.

Waxaa kale oo muhiim ah in la kala saaro Awoodaha dowlada sare iyo maamul goboleedyada, iyadoo laga tixraacayo, waa jibaadka ama Awoodaha la xiriira masuuliyada ay u hayaan shacabka, waayo waxaa xaqiiq ah in shirkan uu noqon doono mid la rabo in lagu marin Habaabiyo MASLAXADA iyo MASIIRKA umada Somaaliyeed.

MD waynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxaan leeyahay ogaada in la idin kula Xisaab tami doono, wixii Xadgudub iyo Meel ka dhac ku ah Karaamada iyo Xuriyada umada Somaaliyeed ee ka soobaxa shirkan, isla markaana Guul daro ku ah waa jibaadka dowladnimo ee laga sugayo Dowlada jirta.

Horaa looyiri, “baadida ninbaa kula doon doonayoo daalna kaa badane, aan dooneyn inaad heshaa daa’in abadkaaye”.

Shir lagu qabtay London u malaynmaayo in uu keeni doono XALKA umada Somaaliyee ee ku nool laga soo bilaabo  “Raas Casayr ilaa Raas Kamboono”  ee waxaa loo bahanyahay in la helo Geesiyadii kala  Garan lahaa u Gar Gaaraha Umada iyo kan Cadowga ku ah umada iyo Geesiyaal u istaaga sidii lagu soo celin lahaa midnimadii Qaranka Somaaliyeed.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment