1791 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Galabta Ka Dhoofay Muqdisho

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Jimacada Maanta ah waxa ay ka ambabaxeen Magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya iyaga oo ku sii jeeda dalka Itoobiya.

Wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana garoonka sidoo kale kasii sagootiyey Xubno isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro.

n kastoo sirasmi ah aan loo shaacin ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Itoobiya ayaa hadana waxaa halkaasi uga sii horeeya oo safar qarsoodi ah ku tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa markii uu halkaasi tago waxa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed oo bilaawgii bishii April ee Sanadkaan la wareegay Xafiiska

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment