906 Views

Iska hor imaadkii u dhaxeeyay booliska Israa’iil iyo shacabka Falastiin ee masaajidka Al Aqsa socda.

Iska hor imaadkii u dhaxeeyay booliska Israa’iil iyo shacabka   Falastiin ee  masaajidka Al Aqsa   socda.
____________________________________________________________________________

May 10 2021

 Qalalaase hor leh ayaa dhexmaray booliska Israa’iil iyo shacabka Falastiini ah kaas oo ka dhacay masaajidka Al Aqsa ee ku yaalla Qudus ka hor qorshaha ku aadan dabaaldegga maalinta qarannimada oo ay xusayaan shacabka Israa’iil.

Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo, sida ay wararka sheegayaan.

Boqolaal Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 20 kamid ah booliska Israa’iil ayaa ku dhawaacmay rabshadihii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay masjidka Al Aqsa.

Waxaana laga cabsi qabaa in maanta ay mar kale halkaas ka dhacaan rabshado hor leh, Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post