1341 Views

Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi kadib qilaaf soo kala dhexgalay Gudiga Somaliland ee Doorashada

Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi kadib qilaaf soo kala dhexgalay Gudiga Somaliland  ee Doorashada
____________________________________________________________________________

May 24, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan dhex maray Ra’iisul wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Wararka ayaa sheegaya in Kulankan uu ahaa  mid ay albaada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan dooda ka taagan soo xulista xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Raisal wasaare ku-xigeenka  Mahdi Guuleed ayaa isku qilaafsan qaabka loo xulayo Xildhibaanada Gobolada waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post