573 Views

Afhayeenka xukuumadda oo sheegay inshirka Golaha Wada-tashiga Qaran uu marayo meel fiican

Afhayeenka xukuumadda  oo sheegay inshirka Golaha Wada-tashiga Qaran uu marayo meel fiican
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya macalimuu ayaa sheegay in uu meel fiican marayo shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, kaasi oo u dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada, dardar-gelinteeda iyo hufnaanteeda, jadwalka waqti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu oo goordhoweyd faah-faahiyay shirkaas, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid ballaaran, oo ay qeyb ka noqonayaan Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka.

“Inta uu shirka socda guddiyo kala duwan ayey la kulmi doonaan, dadka u qorsheysan inay la kulmaan waxaa kamid ah daneyayaasha arrimaha doorashooyinka oo kamid yihiin Wakiiladda Beesha Caalamka, xubno metalaya Midowga Musharaxiinta iyo qeybo kamid ah bulshada rayidka, si ay u dhageystaan talo soo jeedintooda la xiriirta doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaan uu xal u noqon doono caqabadaha iyo qaladaadka ka jira doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo si weyn uga horyimaadeen hanaankeeda Midowga Musharaxiinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post