600 Views

Wasiirka Waxbarashada Galmudug, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo duqa Dhuusamareeb Geedaqoroow oo gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Waxbarashada Galmudug, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo duqa Dhuusamareeb Geedaqoroow oo  gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Dhoore, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali cabdi iyo duqa Dhuusamareeb Geedaqoroow ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud halkaas oo shalay lagu dilay xubno ka tirsan Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Masuuliyiintaas ayaa maanta dadka reer Baxdo iyo ciidamada ku sugan degaankaas waxay gaarsiiyeen Deeq dhiiri-galin iyo garab istaag ah oo Dhuusamareeb ka baxday taa oo isugu jirtay Geel iyo raashin lagu dhiira-gelinayo, ciidamada iyo dadka deegaanka Baxdo maadama sida ay sheegeen ay iska difaaceen weerar uga yimid dhanka Al-Shabaab.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ahaan Danab iyo Ciidamo dadka degaanka ah ayaa gaaray Magaaladda Baxdo si ay uga hortagaan dulaan kale oo ay Al-Shabaab Baxdo kusoo qaadaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post