978 Views

Taliska Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo weerartay shaqaale ka tirsan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines

Taliska Booliska  Soomaaliya oo ka warbixiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo weerartay shaqaale ka tirsan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines
____________________________________________________________________________


Isniin: December 20, 2021

Taliska Ciidamada  Booliska  Soomaaliyeee ayaa ka warbixiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo weerartay shaqaale ka tirsan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines, falkaas oo shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdosho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in shalay markii Garoonka ay timid Diyaarada Turkish Airlines uu is afagarad-waa soo kala dhexgalay Shaqaalaha Diyaaradda iyo qaar kamid ah rakaabkii saarnaa , balse ay ku baxeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in Gudaha diyaarada ay ku dagaalameen qaar kamid ah Rakaabka iyo Shaqaalaha, isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah Shaqaalaha diyaarada, kaas oo ay geeyeen mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho xaaladiisa Caafimaadna ay wanaagsan tahay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in qaar kamid ah raggii Rakaabka ahaa ee diyaaradda ku dhex dagaalamay una gacan qaaday mid kamid ah Shaqaalaha diyaaradda Turkish Airlines ay ku xiran yihiin Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post