2304 Views

SAWIRRO:-Murashax Farkeeti Oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo.

SAWIRRO:-Murashax Farkeeti Oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo.
____________________________________________________________________________

Magaaladda Baydhabo Ee Gobalka Baay  gaaray Wafti uu Hogaaminayo Murashax Maxamed Aden Ibaraahim Farkeeti Oo Kamid ah Murashaxiinta U Taagan Qabashada Xilka Madxweynenimo Ee Maamulka Koon Furgalbeed.

Murashax Maxamed Aden Ibaraahim Farkeeti Ayaa markii uu soo gaaray Gagida Diyaaradah Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbbeed, waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ururada dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Murashax Farkeeti uu ku tagay Baydhabo ayaa aha mid uu ugu kuurgalayo Xaaladda Guud ee ka jirta Deegaanada uu ka Arimiyo Maamulka Koonfur galbeed, iyo Baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan Shacabka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa Siyaasiyiinta , Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada koonfur Galbeed.

Ujeedka ugu Weyn ee Booqashada Murashax Farkeeti ayaa ah sidii uu u soo bandhigi lahaa Ollelihiisa Marashaxnimo iyo waxqabadkiisa haddii uu ku guuleyso Doorashada la filiyo in dhamaadka sanadkaan ay ka qabsoonto Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba Ollolaha Murashax Farkeeti ayaa ku soo aadaya xilli ay dadka ku dhaqan Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ay baahi weyn u qabaan Hogaan wanaagsan iyo is badal siyaasadeed oo hogaanka u toga Shacab weynaha Maamulka Koon furgalbeed.

11 (1)

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment