1029 Views

Wasiir Fiqi oo Weerar afka ah ku qaaday Xildhibano ka soo Jeeda H/gidir oo Weeray shirkole iyo Jeneraal saadaq joon

Wasiir Fiqi oo Weerar afka ah ku qaaday Xildhibano ka soo Jeeda H/gidir oo Weeray shirkole iyo Jeneraal  saadaq joon
____________________________________________________________________________

April 18-2021

 Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Axmed Macalin Fiqi ayaa raali-gelin ka bixiyay hadaladii kasoo yeeray xildhibaano xalay shir jaraa’id ku qabtay oo weeraray xildhibaanada tegay Shiirkole ee taageeray Saadaq John. 

Xildhibaanadaas oo ay soo abaabushay Villa Somalia, kana tirsan beesha Habargidir ayuu Fiqi ku tilmaamay “la haystayaal aan xor u aheyn aragtidooda,” islamarkaana ku hadlaya af aan kooda aheyn.

“Halgamayaasha Shiirkoole waxaa ka raalli gelinayaa xildhibaanada walaalaha ah ee hiilkii ay u baahnaayeen markii ciidamadu dul fadhiyeen ka gaabiyey, ee aan haddana intaas ku ekaan,” ayuu yiri.

“Reer Shiirkole waxaad  mudnaydeen in la idinla qeybsado xaaladda qalafsan ee habeenadii la soo dhaafay guryihiina la idinkugu keenay, ama ugu yarraan aad mudnaydeen in la idinkaga tacsiyeeyo hurdo la’aantii, wel-welkii iyo cabsidii la idin dul keenay, haddii ay taasi dhici weydayna aad astaahisheen in qalbiga la idinkaga soo duceey”.

Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday xildhibaanada ay soo dirsatay Villa Somalia inay raali-gelin ka bixiyaan hadalkii xalay ay uga soo horjeesteen halganka socda, islamarkaana ay ka waantooban ficilada noocaas ah ee ay ku taageerayaan taliska Farmaajo.

“Waxaa meeshii weerarka Shiirkole laga soo go’aamiyey meel aan sidaas uga dheereyn shir jaraa’id ku camirtay dhowr xildhibaan oo isku dayey in ay isku aadiyaan eed aysan lahayn ayagu, ku hadlaan af aan kooda ahayn, ayna isaga qaldantay qadiyadda dadeed iyo difaaca taliska waqtigu ka dhamaaday ee Villa Somalia.”

Xildhibaanada uu weerarka ku qaaday ee Villa Somalia soo dirsatay ayaa waxa kamid ah; Ubax Tahliil Warsame, Warsame Joodax iyo Cabdikariim Khaliif Dhalac.

Ugu dambeyntiina waxa uu sii xoojiyey taageerada kacdoonka looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo oo muddo labo sanno ah oo sharci darro ah kusii darsaday xukunka dalka, “Naga raalli noqda walalayaal, halgankuna sidiisii ha u socdo, garabkiina ayaan nahaye.”

Xigasho

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post