885 Views

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde goor dhawayd

Madaxweyne Cali  Guudlaawe oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde goor dhawayd
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Waxaa goor dhawayd soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la sugayay manta s uu u furmo shirka muqdisho lagu wado in uu saacadaha  soo socda ka furmo teendhada afisiyooni.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa si weyn oo aan horay loo arag  loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmayo caasimada, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee xarada Xalane.

Sidoo kale Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa soo daahiyey xaaladaha adag ee ka jira magaalada Jowhar, gaar ahaan fatahaadaha iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post