1074 Views

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya oo mar kale ka wada hadlay xaalada Ciidamada Soomaaliya

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya oo mar kale ka wada hadlay xaalada Ciidamada Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa mar kale ka wada hadlay xaalada Ciidamada Soomaaliya sidii ay taageero uga heli lahaayeen Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya Senetor Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kaloe Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay dadaalka dhismaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo taageerada aan kala joogsiga laheyn oo ay siiso.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post