1020 Views

Guddoomiye Baashe oo ka horyimid xariga Xildhibaan Dhakool

Guddoomiye Baashe oo ka horyimid xariga Xildhibaan Dhakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sharcidarro ku tilmaamey xariga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha Wakiilada Soomaaliland,kaas oo dhawaan Maalinta 18 May ku tilmaamay Maalin uu leeyahay Ururka SNM.

 

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in marka hore uu ka xun yahay in Xildhibaanka uu maalinta Qaran ee 18 May uu ku tilmaamey in maalin dad gaar ah ay leeyihiin,balse Xildhibaanka uu dastuurka siinayo in uu ra’yigiisa cabiro.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayuu ku eedeeyey in Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ay sifo sharcidaro ah ay ku xireen,isla markaana isaga oo aan xasaanada laga qaadin Gurigiisa loo dhacay lana soo xiray.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in shalay loo diiday in uu Xabsiga ku booqdo taasina ay ka mid tahay sharcidarrada weli ka jirta Soomaaliland,waxaana uu si cad u sheegay in xariga Xildhibaan Dhakool uu yahay sharcidarro.

 

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa shalay isaga oo Gacmadaha ka xiran waxaa la horgeeyey Maxkamad,hayeeshee Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex uu diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka, maadaama xildhibaanka aan wali laga qaadin Xasaanadda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment