1044 Views

koox hubeysan oo saakay dishay nin wadaad ah oo caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo.

koox hubeysan oo saakay  dishay nin wadaad ah oo caan ka ahaa  magaalada Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________


.

May 12 2021

Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxay sheegayaan in saakay koox hubeysan ay dishay nin wadaad ah oo caan ka ahaa gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Dheere dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Taaroge oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka mid ahaa culumada sida weyn looga yaqaano magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Marxuumku waxa uu ahaa maamulaha kuleejka wax lagu baro caruurta agoonta ah ee Xaraar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post