1206 Views

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo kulan la qaatay Yoweri Museveni

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday  Farmaajo oo kulan  la qaatay Yoweri Museveni
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Madaxweynaha wartigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni, kadib markii uu maanta gaaray dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkaas, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo shacabka iyo dawladda Uganda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Uganda u tegay ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha dalkaas oo dhawaan dib loo doortay markiisii lixaad.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post