897 Views

Puntland oo dowladda Soomaaliya ku eedeeysay, in ay hor-istaag ku samaysay fulinta heshiiska DP world

Puntland oo  dowladda Soomaaliya ku eedeeysay, in ay hor-istaag ku samaysay fulinta heshiiska DP world
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Baarlamanka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay hor-istaag ku samaysay fulinta heshiiska DP world ee horumarinta dekedda Boosaaso.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo xalay kulan la yeeshay xubnaha ururada bulshada Rayidka ah, ayaa su’aalo laga weydiiyay sababta loo fulin waayay heshiiska DP world.

Xildhibaannada ayaa kaga jawaabay su’aalahaas, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hor-istaag ku samaysay dhaqan-gelinta heshiiska, si loo hormariyo dekedda.

Heshiiska DP world oo la saxiixay 6 April 2017, islamarkaana Baarlamanka Puntland ansixiyay 27 july 2017 ayaan weli waxba ka fulin.

12 Maarso 2018, Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis kasta oo lala galay DP World, waxaana 15 Maarso 2018  go’aankaas ku raacay Aqalka sare ee Baarlamanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post