3177 Views

Xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya oo la qaaday

Xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya oo la qaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018 –  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana qaaday Xayiraaddii saarneyd Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha nool ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii xayiraad saaray in loo dhoofiyo Xoolaha nool una sababeeyay in Xoolaha Soomaaliya ay qabaan Xanuunka Rift Valley, balse Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa xaqiijisay inaan xanuunkaasi aysan qabin Xoolaha Soomaaliya, sida uu Wasiirka sheegay.

Wuxuu sheegay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan in 24-kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka, Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeenna oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudiga qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar, Yemen, Sacuudiga iyo Cummaan oo xiriir wanaagsan dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment