1269 Views

Dhismaha Garoonka Ciyaaraha Muqdisho miyuu dhamaaday mise waxbaa dhiman?

Dhismaha Garoonka Ciyaaraha Muqdisho miyuu dhamaaday mise waxbaa dhiman?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Arbaco    , March 25, 2020 —Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa muddooyinkaan ku socda dib u dhis lagu sameynayo qaybta lagu Ciyaaro kubadda Cagta iyo orodada.

 

Stadium Muqdisho waxa uu saldhig Ciidan u noqday Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee taageerayay Dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Kenya ee Muqdisho soo galay dabayaaqadkii 2006-kii, waxa ay garoonka saldhigteen sanadkii 2007-dii.

 

Bixitaanka Ciidamadii Itoobiya kadib waxaa garoonka gacanta ku hayay dhinacyadii kasoo horjeeday, waxaana muddo kadib uu gacan galay Ciidamada AMISOM oo ku dhawaad 10-sano ku sugnaa.

 

 

28-kii Agoosto sanadkii 2018-kii, waxaa Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho isaga baxay Ciidankii ugu dambeeyay ee AMISOM, iyaga oo mas’uuliyadda u gacan geliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isna kusii wareejiyay Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS.

 

Markii Ciidamada AMISOM ay ka baxayeen Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho waxa ay u ahayd hawd (keyn), dhirta ayaa is qabsatay, waxaana gudaha Garoonka qaybta lagu dheelo kubadda yaallay difaacyo ay dhisteen Askarta Midowga Afrika.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tagay Garoonka 27-kii Agoosto kahor inta aysan garoonka ka dhammaan Ciidamada AMISOM, waxaana xiligaas burbur xooggan ka muuqday.

 

Waxa uu si guud u kormeeray Tuulada oo ka kooban qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kolayga, orodka, xafiisyada maamulka, Hoteelka Ciyaartoyda iyo qaybihii nasashada ee Garoonka.

28-kii Agoosta 2018-kii, dadweyne Hilow u qaba garoonka ayaa tagay, waxaana ay ka bilaabeen howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu jaray Geedihii qariyay muuqa iyo biliacda uu lahaa Stadium Muqdisho.

Wixii ka dambeeyay bixitaanka Ciidamada AMISOM, Garoonka waxaa ka bilawday dhismo lagu soo celinayo bilicdii uu lahaa, wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS waxa ay sheegtay in Garoonka ay u baahan yihiin dhalinyarada, sidaas awgeed la dadajiyo dhismihiisa.

 

 

10-kii febaarayo waxaa tagay Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Xubno isugu jiray Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS, xiriirka kubadda Cagta, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay warbaahinta la wadaageen dhismaha Stadium Muqdisho meel wanaagsan mareyso, balse waxa ay amreen in la joojiyo dhismo si sharci darro ah looga dhex dhisanayay qayb kamid ah Garoonka, inkasta oo aysan soo bandhigin dadka howshaas watay.

Dhismaha Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho miyay idlaatay?

Marka la eego qaybaha guud sida qaybta lagu ciyaaro kubbadda cagta, kolayga, Orodka, xafiisyada maamulka, Hoteelka Ciyaartoyda, Dabaasha, kubadda cagta ee fudud (Footsal) iyo qaybihii nasashada ee Garoonka waxaa kaliya la dhisay qaybta ciyaaraha, qaybta Maamulka, Nasashada iyo Orodka.

Waxaa dhiman qaybta dabaasha, Kubadda Cagta fudud ee salaxa, Hoteelka iyo kolayga oo dhammaan qayb ka ah Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa harsan kuraasta loogu talagalay in ay ciyaarta ka daawadaan Taageerayaasha, taasi oo sahleysa ogaanta tirada dadka uu qaado Garoonka oo hadda kaliya qiyaas uun loo adeegsado.

Kuraasta waxa ay xadidayaan fadhiga qofka taageeraha ah ee laga yaabo in xamaas qaado, sabab la xiriirta ciyaarta markaas uu daawanayo sida ka dhacda Garoomada kala duwan ee Caalamka.

 

 

 

Dadka ku xeelka dheer arrimaha ciyaaraha waxa ay sheegayaan in dib u hagaajinta Garoonkaan iyo qaybaha uu ka kooban yahay ay qayb weyn ka qaadan karto tayada Ciyaartoyda Soomaalida jiilka maanta iyo mustaqbalkaba.

 

Ma aaminsan tahay in dib u nooleynta Garoonka Ciyaaraha Muqdisho ay ku xiran tahay Mustaqbalka Ciyaartoyda Soomaalida oo maalinba maalinta ka dambeysa tayadooda?

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment