1914 Views

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay xarunta degmada Hodan

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay xarunta degmada Hodan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2018 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo tagay xarunta degmada Hodan ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaasoo maanta ka dhacay xarunta degmada Hodan.

Gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay gaariga qarxay in uu xoog kusoo jiiray Barkontarool ka mid ah Meelaha laga ilaaliyo degmada ka dibna uu gudaha u galay xarunta degmada.

Waxaa uu sheegay in ay hadda ku jiraan gurmad loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado gaartay,islamarkaana Qaraxa uu sababay dhimasho, Burbur iyo dhaawacyo, inkasoo gudoomiye yariisow uu shaacin tiradda waxyeelado soo gaartay.

Ilo Madax banaan ayaa Risaala u xaqiijiyay ku dhawaad 5 qof in ay dhinteen, kuwaasoo isugu jira Askar iyo Shacab.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo uu waday qof Naftii halige ah.

Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa badqaba, waxaana hadda uu ku jiraa dadka gurmadka u sameynaya dadka ay waxyeelado gaartay , inkastoo ay jiraan xubno maamulka ka tirsan oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Axadii la soo dhaafay ayeey aheyd markii Shabaab qarax Ismiidaamin ah ay ku weerareen Xarunta Degmada Hawlwadaag, halkaasi oo dad rayid ah ay ku dileen.

Isbuuc kadib Shabaab ayaa qarax kale oo Ismiidaamin ah la beegsaday maanta Xarunta Degmada Hodan.

qarax-degmada-hodon-2 qarax-degmada-hodon-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment