2184 Views

HRW oo war ka soo saartay xariga Madaxweynihii DDSI

HRW oo war ka soo saartay xariga Madaxweynihii DDSI
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28ka Ogosto, 2018:–Iyada oo shalay ciidamada Booliska Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Hay’adda Human Rights Watch qoraal ay soo saartay waxa ay ku taageertay xariga masuulkan.

Warbixin ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch bishii July ee sanadkan ayaa ku tacadiyo kala duwan ku eedeysay Cabdi Maxamuud, Saraakiisha Itoobiya iyo Booliska degaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen Jeel ogaadeeniya.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayay HRW ugu baaqday in la soo xiro xubno ay sheegtay Madaxweynihii hore ee DDSI inay kala shaqeynayeen abaabulka ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, islamarkaana la horgeeyo sharciga.

Abiy Ahmed Ali, Raii’sul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa qiray in masuuliyiintii hore ee DDSI iyo ciidamada ay jirdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana loo horkeeni doono.

Marka laga soo tago baaqa Human Rights Watch waxaa kaloo jira baaqyo kale oo ay jeedinayaan masuuliyiin iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaasi oo ku qotoma in dambigii ay galeen ciqaabtiisa la marsiiyo Cabdi Maxamuud iyo xubnihii kala shaqeynayay dhibaateynta rayidka.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment