1047 Views

Xasan shekh iyo shekh Shariif oo ka guuray Hotelka Ex.Nasahablod ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon

Xasan shekh iyo shekh  Shariif  oo ka guuray Hotelka  Ex.Nasahablod ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon
____________________________________________________________________________

..

Feb: 19/2/2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la sheegay in ay dib ugu laabteen Hoygii ay ka daganayeen Muqdisho, ayaga oo ka guuray Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon oo ay daganaayeen 48 saac ee la soo dhaafay.

Sheekh Shariif iyo Xasan ayaa dib ugu laabtay xarumihii ay ka deganaayen magaalada Muqdisho, ayada oo sii galbiyeen ciidamada ilaalada u ah, kadib markii ay ciidamada xoog ku hor istaagtay banaanbax ay iclaamiyeen inuu maanta ka dhacayo Taalada Daljirka Dahsoon.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay sii galbiyeen gaadiid dagaal oo aad u fara badan, waxaana la sheegay in cabsi ay ka jirta labada ciidan ee is dhexmaraya.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post