1086 Views

Xukuumada Soomaaliya oo ku eedeysay maamul goboleedyada inay dano ka leeyihiin diidmada Sharciga Batroolka.

Xukuumada Soomaaliya oo ku eedeysay maamul goboleedyada inay dano ka leeyihiin diidmada Sharciga Batroolka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay diidmada ay maamul goboleedyada kala hor ymaadeen sharciga Batroolka, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wasiir C/rashiid ayaa sheegay in sababta ay sharcigaas u diideen maamul goboleedyada ay tahay inay ka waayeen dano u gaar ah, wuxuuna meesha ka saaray dooda madaxda maamul goboleedyada ee ah inaan laga tala gelin sharciga.

 

“Sharciga waan la wadaagnay, waana ka talo gelinay maamulada, Inta doodeysa ee ka soo horjeesatay waxay doonayaan waxyaabo gaar ah” ayuu yiri Wasiir C/rashiid oo la hadlay TV-ga ku hadla afka dowladda.

 

Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo diidmo kala horyimid sharcigan waxey baaq u jeediyeen beesha Caalamka, iyagoo u sheegay in aysan aqoonsaneyn sharcigan oo Xukuumada kaligeed ay si gaar ah u maamulatay.

 

Maamulka Somaliland oo ka mid ah maamulada ka hadlay sharcigan ayaa iyaguna dhankooda sheegay inaanu waxba ka quseyn tallaabada ay qaadeen Baarlamananka Soomaaliya, ayna dar dar gelinayaan howlaha ku aadan soo saarista shidaalka.

 

Ansixinta Sharciga Batroolka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo bisha November ee sanadkan la filayo in la bilaabo bixinta Blocks goobaha shidaalka laga sahmiyay oo Shirkadaha Shidaalka ay iibsan doonaan, si ay u bilaabaan shidaal baarista, waxaana Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre la sheegaa inay dano badan ka leedahay sharcigan, maadaama bishii February uu magaalada London ka dhacay shir lagu soo bandhigay sahankii Shidaal ee laga sameeyay Xeebaha iyo dhulka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment