2367 Views

Golaha Wasiirada oo ka deyriyay Xaaladda Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India

Golaha Wasiirada oo ka deyriyay Xaaladda Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09  November 2017 –Shirka Todobaad-laha ah ee Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Xaaladda Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Xabsiyada Dalka India waxaana la sheegay in ay ku jiraan xaalad aan wanaagsaneyn.

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo shir Guddoomiyay Kulanka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay Xaaladda Soomaaliya ee amniga iyo siyaasadda.

Warbixin laga dhageestay Wasiirada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arimaha Dibadda Soomaaliya waxayna labadooda ka hadlay Xaaladda maxaabiista oo ay sheegeen in aysan wanaagsaneyn.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa ku taliyay in loo dhaqsado Maxaabiista si Dalkooda dib loogu soo celiyo.

Maalmo ka hor ayaa Idaacadda kulmiye baahisay warar ka hadlaya dhibaato ku heysata Xabsiyada ay ku jiraan Maxaabiista Soomaalida ee loo heysto Falal la xariira Burcad badeednimo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment