864 Views

Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay qof kamid ah dadka ku nool degmadaas

Kooxo hubeysan oo  degmada Afgooye ku dilay qof kamid ah dadka ku nool degmadaas
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Kooxo hubeysan ayaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileem qof kamid ah dadka ku nool degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Dhagax-tuur ee degmada Afgooye, waxaana loo geystay Nin lagu Magacaabi jiray Axmed Maxamed Mayow ( Karbaash), waxaana rag ku hubeysnaa bustoolado ay ku dileen Gurigiisa hortiisa.

Qof kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ayaa risaala u sheegay in Ninka la dilay uu ahaa Nabadoon si dhow ula Shaqeeynayay Maamulka degmada Afgooye, balse aysan jirin Shaqa muuqata oo uu qaban jiray.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Afgooye ayaa gaaray halka uu dilka ka dhaay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka walow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa axa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geystay, askar, Mas’uuliyiin, Mabadoono iyo Wariyeyaal, waxaana dilalkaas intooda badan sheegtay Al-Shabaab.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post