921 Views

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin Shabaab geliyeen waddooyinka

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin Shabaab geliyeen waddooyinka
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

 Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddooyinka soo gala Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay Ciidanka Kumaandooska GORGOR, gaar ahaan Cutubka Miino baarista, waxaa miino baarista laga sameeyay inta u dhaxaysa degaannada Shamgare, Jowhar yareey, mubaarak iyo xaafadaha degmada Awdheegle.

Ciidanka gaarka ah ee Miino baarista kumaandooska GORGOR ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo saareen Miinooyin dhowr ah, iyagoo qarxiyey qaar kale sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ku Bogaadiyay Ciidanka Miino baarista GORGOR kaalinta ay ka qaateen fashilinta dhagartii ay Maleeshiyadu la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post