423 Views

Guddiyada Doorashooyinka ee dawlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo lagu shaaciyay jadwalka doorashada

Guddiyada Doorashooyinka ee dawlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo lagu shaaciyay jadwalka doorashada
____________________________________________________________________________


Isniin: February 28, 2022

War qoraal ah oo ay caawa soo saareen Guddiyada Doorashooyinka ee dawlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyay jadwalka doorashada qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dawlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada lix ka mid ah kuraasta baarlamaanka taas oo ka dhici doonto magaalada Galkacyo shanta Maarso.

Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isna shaaciyay qabashada doorashada lix ka mid ah kuraasta baarlamaanka ee lagu dooran doono magaalada Byaydhabo.

Shir ay khamiistii Golaha Wadtashiga Qaran ku yeesheen aaladda fogaan aragga ee Zoom ka ayaa la isku afgartay in doorashada baarlamaanka la soo gabangabeeyo ugu dambeyn shan iyo tobanka Maarso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post