1005 Views

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Guddiga doorashooyinka Puntland

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Guddiga doorashooyinka Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2019–Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeeshay fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub.

 

Waxayna codka ansixinta geliyeen guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

 

 

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomiyay kulanka ay yeesheen Xildhibaanada.

 

Xildhibaanada ayaa ansixiyay Guddiga doorashooyinka waxayna ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo idmaday.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalaalase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment