693 Views

Lammaane Itobiyan ah oo kharashkii ay ku aroosi lahayen rashin ugu iibiyay barakacayasha Tigray.

Lammaane Itobiyan ah oo kharashkii ay ku aroosi lahayen  rashin ugu iibiyay   barakacayasha Tigray.
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Lammaane Itoobiyaan ah ayaa kharashkii ay ku dhigan lahaayeen xaflad aroos oo cajiib ah waxay cunto iyo waxyaabo kale ugu iibiyeen dadka ku barakacay dagaalka Tigray.

Meaza Tadese iyo Kalab Belay ayaa dadkaasi ugu deeqay $8,500 (£6,100).

“Deeqdeenna ma xallin doonto dhibaatada dadka Tigray, balse waxaan bixineynaa uun waxaan awoodno,” ayay Ms Meaza u sheegtay BBC.

Tigray waxaa la degtay xaalad bani’aadannimo kaddib markii Itoobiya ay ciidamadeeda u dirtay gobolkaas bishii November sanadkii hore si ay ula dagaallamaan TPLF, oo ahaa xisbigii xukumayay gobolkaas, kaas oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada federaalka ee gobolka.

Kumannaan qof ayaa loo maleynayaa in lagu dilay dgaaalka halka ilaa 1.7 milyan oo qofna ay ka qaxeen guryahooda.

Horraantii toddobaadkan madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegya in xaaladda gobolka Tigray ay ka daran tahay sidii loo maleynayay.

Balse dowladda Itoobiya ayaa beenisay in gobolka ay ka jirto macluul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post