216 Views

Maxkamadda Maraykanka oo title 42 soo saartay oo laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka Mexico ka soo gala

Maxkamadda Maraykanka oo title 42 soo saartay oo  laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka Mexico ka soo gala
____________________________________________________________________________

Arbaco: DECEMBER 28, 2022

Maxkamadda ugu saraysa Maraykanka ayaa go’aan ay soo saartay ku xoojisay sharci xiligii Trump shaqaynayey, kaas oo ka hor istaagay kumannaan magan-galyo doon ah inay ka gudbaan xadka Mexico iyo Maraykanka.

Sharcigan oo lagu magacaabo ( title 42) ayaa laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka sida sharci darrada ah u doonaya inay uga tallaabaan xadka Mexico iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya ayaa soo jeediyey in sharcigan aan lagu dhaqin dadka magangalayo doonka ah, hase ahaatee waxaa ka biya diiday dadka kasoo hor jeeda in soo galootiga xadka loo furo.

Biden ayaa markii dambe soo jeediyay in sharcigani u shaqeeyo balse isbaddal lagu sameeyo.

“Waxaan hormarinaynaa diyaar garowgeenna si aan u maareyno xadka si nabad ah, kala dambeyn leh biniaadanimadana waafaqsan marka la qaado Sharciga Title 42, waxaanuna sii ballaarinaynaa waddooyinka sharciga ah ee magangalyo-doonka.” ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Aqalka Cad.

Bill Cassidy oo ah seneterka gobolka Louisiana kana mid ah xisbiga jamhuuriga Maraykanka ayaa sheegay in qaadista sharciga title 42 “ay ugasii darayso dhibaatooyinka ka jira xadkooda, ayna u muuqato inuu Aqalka Cad diyaar u yahay in arrinkaasi dhoco”.

“Waan ku faraxsanahay in maxkamadda ugu saraysa soo dhex gasho arrinta si sharcigan loo dhowro, balse waxaan u baahannahay xal waara,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Miguel Colmenares oo ah 27 jir magan-galyo doon ah oo kasoo jeeda dalka Venezuela haatanna ku sugan magaalada Tijuana ee dalka Mexico oo ku taalla xadka ayaa yiri: “Niyad jab ayey igu tahay inaan iska sugno uun”.

“Ma garanayo waxa aan samaynayo, wax lacag ah ma haysto qoyskkiina way I sugayaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa isagoo u warramayay wakaaladda wararka Reuters.

Sharicigan ayaa lagu fuliyay dad ka badan 2.5 milyan oo qof tan iyo bishii March ee sanadkii 2020. Sida qorshuhu ahaa, waxa uu sharcigan dhici lahaa 21-kii bisha December ee sanadkan, balse labo maalmood uun ka hor xilliga uu ku ekaa ayuu goddoomiyaha maxkamadda ugu saraysa Maraykan, John Roberts, hor istaagay in sharigan Meesha laga saaro.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii ay gobollada jamhuurigu ka taliyaan gudbiyeen codsi degdeg ah oo ay ku doonayaan in shariga aan la laalin.

Waxay u badan tahay in laga doodo bilaha February ilaa March ee 2023. Go’aanka hadda ayaa ku eg bisha lixaad ee sanadka inagusoo aaddan.

Go’aankan ayaa ka cadhaysiiyey qolyahay u dhaqdhaqaaqa soo galootiga, kuwaas oo horay u gudbiyey dacwad ka dhan ah sharcigan iyagoo ku tilmaamay inuu ka hor imaanayo mas’uuliyadda caalamiga ah ee u oggolaanaysa in dadka ay helaan magan-galyo.

Hase ahaatee dadka sharcigan taageersan iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta bulshooyinka xadka deggan ayaa  ku dooday in hadii la qaado xeerarkan ay dadku kasoo buuxsamayaan xadka iyagoo qiilqiil galinaya ilaha nololeed ee gobollada xadka ku yaal.

Qareenka Guud ee Mareykanka Elizabeth Prelogar ayaa sheegtay in dowladdu ay ogaatay soo afjaridda sharcigan inay horseedayso “carqalad iyo in ay kororto dadka sida sharci darada ah uga gudbaya xadka”.

“Marnaba Dowladdu ma yaraynayso halista dhibaatadaas,” ayey tiri.

Dowladaha hoose iyo hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in haddaba uu culays badan saaran yahay, aanayna xamili karin tahriibeyaal dheeraad ah.

Tusaale ahaan, masuuliyiinta magaalada El Paso ee gobolka Texas ayaa isbuucii aan soo dhaafnay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, waxayna diyaarinyeen  1,000 sariir oo ka mid ah qorshe ballaaran oo la doonayo in lagula tacaalo dadka magan galyo-doonka ah ee soo buux dhaafiyey wadooyinka magaalada.

Mar ay la hadlayeen BBC-da ayey masuuliyiinta magaaladu sheegeen in aanay xamili karin tirada sii kordhaysa ee muhaajiriinta, kuwaas oo u baahan hoy, cunno iyo in loo qorsheeyo safarkooda ay gudaha ugusii galayaan Maraykanka.

Susan Goodell oo ah agaasimaha guud ee hay’adda la dagaalanka cunno-yarida ee El Paso ayaa sheegtay in hay’adaha maxaliga ah lagu war geliey inay fishaan “sare u kac” ku imaada tirada dadka soo galootiga ah haddii meesha laga saaro sharciga Title 42.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post