1002 Views

Qaramada Midoobay oo ka digetay macluul la mid ah tii Itoobiya ku dhufatay 1984

Qaramada Midoobay oo ka digetay  macluul la mid ah tii Itoobiya ku dhufatay 1984
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Qaramada Midoobay waxay ka digeysaa dib u soo noqoshada macluushii ba’anayd ee dalka Itoobiya ku dhufatay sanadkii 1984, waxayna ku baaqeysaa xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo gobolka Tigray ee waqooyiga ku yaalla.

Mark Lowcock, oo ah madaxa Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa BBC-da u sheegay in boqolaal kun oo dad ah ay durba la kulmayaan xaalado macluul oo ka jira gobalka Tigray ka dib bilooyin ay colaado socdeen.

Mr Lowcock wuxuu ugu yeeray “ragga qoryaha wata” iyo madaxdooda siyaasadeed inay u ogolaadaan shaqaalaha gargaarka inay si buuxda u galaan aagaga dadku ku suganyihiin.

Wuxuu sheegay in lacag badan si deg deg ah loogu baahan yahay si loo taageero dedaallada gargaarka bani’aadamnimada lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan.Balse dowladda Itoobiya ayaa dhinac iska dhigtay hadal heynta xabad joojinta.

Dadka ay haystaan xaaladaha ugu daran ayaa u umuuqda in ay go’doon ku jiraan iyadoo ay sii kordhayaan dadka quusta kula jira guryahooda waxaa sidoo kale meesha ka baxay goobihii caafimaadka oo burburay iyo dalagyadii beeraha oo aanba jirin.

Digniinhii horay looga soo saaray xaaladda gobalka Tigray Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ayaa horey u sheegtay in in ka badan boqolkiiba sagaashan dadka ku nool gobolka Tigray ee Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay laba boqol oo milyan oo doolar si ay gacan uga geysato quudinta in ka badan shan milyan oo qof oo halkaas ku nool. Boqolaal kun oo qof oo Tigree ah ayaa horeyba ugu baahnaa gargaar cunno kahor intaanay bilaaban colaadu ku dhawaad 7 bilood kahor.

Xasuuq ma lagu tilmaami karaa waxa ka dhacay gobolka Tigray?

HRW: “Ciidamada Eritrea xasuuq ayay ka geysteen Tigray” Tan iyo markaa wixii ka dambeeyayna tirada ayaa sare u kacday iyadoo horey loo soo saaray digniino la xiriira macluusha hadda laga baqayo.

Iyadoo heerarka nafaqo-darrida ay sii kordhayaan WFP waxay ku baaqday xabad-joojin si loo helo marin dadka tabaaleysan loogu gaarsiiyo gargaar. Mar sii horreysayna Britain ayaa ka digtay in waqooyiga Itoobiya ay ka jirto halis macluul oo ba’an,

Ergeyga gaarka ah ee UK ee kahortaga macluusha, Nick Dyer, ayaa qiimeyntan sameeyay mar uu booqday gobolkaas ay colaadda saameysay.

Mr Dyer wuxuu xaaladdan ku tilmaamay mid musiibo ah, isagoo tusaale u soo qaatay nabadgelyo xumo iyo burbur soo gaadhay qalabkii beeraha iyo goobaha caafimaadka. Wuxuu sharaxay burburka qalabka beeraha, abuurka, iyo, runtii, dhamaan tuulooyinka.

Wuxuuna ka digay in tiro aad u fara badan oo ka mid ah dadka ku nool gobolka ay yihiin kuwo aan si fudud loo gaari karin – sabbao la xiriira jid gooyooyinka iyo dagaallada socda awgood.

Mr Dyer wuxuu sheegay in tacadiyada ay weli sii socdaan, isagoo soo qaatay warbixinno naxdin leh oo ku saabsan dil iyo kufsi ka dhacay gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post