366 Views

Burcad dad ku laysay xoolana ku dhacday magaalada Isiolo ee waqooyiga waddanka Kenya

Burcad dad ku laysay xoolana ku dhacday magaalada Isiolo ee waqooyiga waddanka Kenya
____________________________________________________________________________

Sabti: April 9, 2022

Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Isiolo ee waqooyiga waddanka Kenya kaddib markii sagaal qof ay dileen kooxo laga shakisan yahay inay burcad yihiin.

Dadka dhintay ayaa waxaa weerrar gaadma ah ku soo qaaday kooxaha duullaanka ahaa xilli ay geel iyo xoolo kale ku raacanayeen deegaankaasi gelinkii dambe ee Jimcihii.

Todoba qof ayaa isla goobta ku dhintay halka laba kalana waxa ay dhaawacyadii soo gaaray u dhinteen arooryadii hore ee maanta. Saddex qof oo kale ayaa la dhigay isbitaalka hasayeeshee xaalkoodu ma xuma.

Ammaanka deegaankaasi ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo boolis ah halkaas loo daadgureeyay si ay cadaadis u saaraan kooxaha weerrarka soo qaaday ee dhacay xoolaha dadka ay laayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post