1068 Views

Hoggaamiyaha kooxda gooni u goosadka ah ee (IPOB) Nnamdi Kanu la xirey dalka Nigeri

Hoggaamiyaha kooxda gooni u goosadka ah ee (IPOB) Nnamdi Kanu  la xirey dalka Nigeri
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Hoggaamiyaha kooxda gooni u goosadka ah ee (IPOB), Nnamdi Kanu, ayaa la xirey, isagoo loo qaadey maxkamad ku taalla magaalada xarunta ee Abuja.

Xeer ilaaliyaha guud iyo wasiirka caddaaladda Nigeria, Abubakar Malami, ayaa u sheegay weriyayaasha maanta oo ah talaado in Kanu dib dalkiisa looggu soo celiyey axaddii, isagoo laga soo masaafuriyey dalka dibaddiisa.

Nnamdi Kanu ayaa maxkamadda sare loo qaadey kiiskiisa, taasoo laga dalbadey iney sii hayaan ciidanka booliiska ee sirdoonka dalka Nigeria.

Garsoore katirsan maxkamadda sare, ayaa amrey in la dadajiyo dhageysiga gal dacwadeedka maxbuuskan.

Bishii October ee sanadkii 2015-kii, ayaa Kanu la xirey, isagoo lagu eedeeyey argagaxisnimo, khaa’inul wadan, heysashada hub sharci darro ah iyo ku maamulidda bulsho si sharci darro ah.

Waxaa lagu soo sii daayey damaanad markaa dib. Abubakar Malami, ayaa u sheegay wariyayaasha in hoggaamiyaha (IPOB) ay sii socon doonto maxkamadeyntiisa.

Kiiska ayaa la qorsheeyey in la dhageysto 26-ka illaa iyo 27-ka bisha danbe ee July.

Xiritaankiisii 2015-ka ayaa kiciyey mudaaharaadyo waa weyn oo ay sameeyeen taageerayaashiisa, kuwaasoo ka dhacey xiligaasi koonfur bari Nigeria.

Kanu ayaa haatan u taagan wajiga cusub ee ololaha gooni goosaadka ee gobolka Biafra, kaasoo doonaya inuu noqdo dal ka go’a Nigeria inteeda ale.

Tani ayaa kusoo beegmeysa konton sano kadib markii uu waagaas dhacey, oo ahaa dagaal sokeeye, oo lagu kala fikir duwanaa midnimo iyo gooni isu taag, kaasoo ay ku hoobteen in ka badan hal milyan oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post