768 Views

Guddoomiyaha gobolka Wajeer oo xil ka qaadistiisii ku tilmaamay sharci daro

Guddoomiyaha gobolka Wajeer oo  xil ka qaadistiisii ku tilmaamay sharci daro
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Guddoomiyihii hore ee gobolka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa xil ka qaadistii todobaadkii hore lagu sameeyay ku tilmaamay inay aheyd afgambi abaabulnaa, isla markaana waxyaabihii lagu soo eedeeyay aysan sax aheyn.

Mooshinkii xil ka qaadistiisa waxaa u codeeyay 25 xildhibaan oo ka tirsan 47-da mudane ee aqalka sare ee Senate-ka Kenya, waxaana lagu soo eedeeyay arrimo ay ka mid ahaayeen musuq-maasuq iyo inuu ku xadgudbay dastuurka Kenya.

Sidoo kale Ku xigeenkiisii Axmed Cali Mukhtaar ayaa maalin kaddib xilka guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyay. Waxaana Maxkamada ku taala Gobolkaas ku Tilmaantay sharci Daro Xilka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post