5328 Views

Madaxweynaha DF Soomaaliya oo si qurux badan loogu soo dhoweeyay magaalada Riyadh

Madaxweynaha DF Soomaaliya oo si qurux badan loogu soo dhoweeyay magaalada Riyadh
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 28, 2015- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

Madaxweynaha oo soo dhoweyn aad u sareysa loogu sameeyey Riyadh, iyo Boqorka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimo kale oo la xiriira taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay ee dhinaca dib u dhiska.

Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobada ay ka wada hadleen.
Madaxweynaha waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

312 (1)unnamed29

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment