1122 Views

Barkhad Jaamac Batuun oo si wayn u soo dhaweeyay guushiisa.

Barkhad Jaamac Batuun oo  si wayn u soo dhaweeyay guushiisa.
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ahaa musharaxixiinti ku guuleystay doorashadii Somaliland ayaa si wayn u soo dhaweeyay guushiisa.

Barkhad ayaa waxaa uu ka soo baxay xisbiga Wadani islamarkana waxaa laga soo doortay magaalada Hargeysa.

Barkhad Jaamac Batuun oo matalaya beelaha la haybsooco ayaa kusoo baxay codkii ugu badnaa ee lagu doorto xubin golaha wakiillada Somaliland, wuxuu helay codad gaarayo 20,231.

Barkhad Batuun wuxuu kamid ahaa musharraxiintii sida weyn uga soo dhex muuqaday ololaha doorashada Somaliland.

Wuxuu ku caanbaxay ‘astaanta cagaf-cagafta’ taas oo uu ku sheegay in uu ku jeexayo dhabaha caddaaladda.

Wuxuu kamid ahaa dhalinyarada reer Somaliland ee aadka u firfircoon oo ay ka go’aneyd waxbarashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post