1014 Views

Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo

Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo  gaaray  Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo qeybin doonaa magaalooyinka Baraawe iyo Baydhabo oo ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka qeybta ka imaaneyso KGS.

Guddiga ayaa maalmaha soo aadan kulamo ka bilaabi doono magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale guddiyada kale ee doorashooyinka heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in ay tagaan deegaanada maamul goboleedyada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post